Saturday, October 17, 2026

Pakistan Oo Duqeymo Cusub Oo Cirka ah ka Fulisay Afghanistan

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Pakistan ayaa duqeymo cirka ah ka fulisay gudaha Afghanistan, iyadoo beegsaneysa goobo ku yaalla gobolka Khost ee koonfur-bari Afghanistan, duqeymaha ayaa lagu bartilmaameedsaday Xaruumaha Hubka we Kooxaha Argagaxisada

Pakistan waxay Afghanistan ku eedeynaysay inay hoy u tahay Kooxda Argagaxisada Tehreek-i-Taliban Pakistan (TTP) iyo kooxo xiriir la leh. Kuwaa oo taageero ka hela sirdoonka Hindiya.

Dhanka kale Taliyaha sirdoonka Taliban, Abdul Haq Wasiq, ayaa la sheegay inuu gaaray magaalada Doha si uu ula kulmo saraakiil Mareykan ah, saacado yar kadib markii duqeymo cirka ah oo ay Pakistan fulisay lagu bartilmaameedsaday goobo ay Taliban ku leedahay Kandahar