Sunday, September 27, 2026

Sacuudiga Oo Maanta Amray la Xiro iskuullada Muddo Toddobaad ah

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Sacuudiga ayaa maanta ku amray iskuullada in la xiro muddo toddobaad ah oo waxbarashada lagu bixiyo hab fogaan-arag ah , sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP.

Waalidiinta ay carruurtooda iskuullada Sacuudiga wax ka bartaan ayaa AFP ay sheegtay in maanta ay heleen farriimo loogu sheegayo inaysan carruurta usoo dirin iskuulka, mid ka mid ah waalidiinta ayaa AFP u sheegay;

“Hadda waxaa naloo sheegay in maamulka Sacuudigu amray in dugsiyadu xirnaadaan toddobaadkan oo dhan.”

Ma cadda waxa dhaliyay go’ankan deg degga ah, balse waxaa lala xiriiriyay xiisadda u dhaxeysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta oo sare martay