Monday, October 12, 2026

Somaliya Oo Karantiishay Muwaadiniin Safar la Galay Qof u Dhintay Cudurka Ebola.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Wasaaradda caafimaad ka Soomaaliya ayaa sheegtay in la karantiilay muwaadin Soomaali ah kaas oo safar la galay qof u dhintay cudurka halista ah ee Ebola.

Muwaadinkan ayay wasaaradda Caafimaadka sheegtay in la geeyey Cisbitaalka Forlanini ee magaalada Muqdisho halkaas oo xaaladdiisa caafimaad lagu baadhayo maaddama oo uu u safaray dalka Kongo oo ka mid ah meelaha uu sida weyn ugu baahay cudurka Ebola oo sannadihii dambe dunida caan ka noqday.