Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka (DHS) ayaa shaacisay in ku dhawaad 3.3 milyan oo muhaajiriin sharci-darro ah ay ka baxeen dalka Mareykanka tan iyo markii uu madaxweyne Donald Trump dib ugu soo laabtay Aqalka Cad bishii Janaayo 2025.
Xogta ay DHS bixisay ayaa tilmaamaysa in qiyaastii 1.1 milyan oo qof dalka laga masaafuriyay, halka 2.2 milyan oo kalena ay si iskood ah uga baxeen Mareykanka.
Si loo sii dardargeliyo tallaabooyinka adag ee socdaalka, maamulka Trump ayaa sidoo kale bilaabay barnaamijka loo yaqaan CBP Home, kaas oo muhaajiriinta u qalanta ee si iskood ah dalkooda ugu laabanaya lagu siinayo taageero lacageed oo gaaraysa ilaa $2,600 qofkiiba.
