Abbas Araghchi, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, ayaa sheegay in aysan jirin qorshe uu hadda kula kulmi karo saraakiisha Mareykanka.
“Waxa arrintan laga faafinayo waa kaliya mala-awaal warbaahineed,” Aragchchi ayaa u sheegay Al Jazeera.
“Uma aragno baahi aan ula kulanno Mareykanka hadda. Shuruudaheenna waa kuwo cad, dhex-dhexaadiyayaashuna waxay sii wadaan wadatashiyadooda ku saabsan,” ayuu raaciyay.
Araghchi wuxuu sheegay in go’aanka ah in wadahadallo toos ah ama dadban lala yeesho Mareykanka ay ku xidhan tahay buuxinta shuruudaha Iiraan.
