Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa Golihiisa Wasiirrada iyo masuuliyiinta sare ee dalkaasi u furay tababar millatari oo qayb ka ah qorshayaasha dalkaasi ugu diyaaragaroobayo dagaalo Itoobiya geli karto mustaqbalka.
Qoraal iyo sawirro uu Ra’iisal-wasaare Abiy Ahmed maanta baahiyey, ayaa waxa uu ku sheegay in dhisibiliinka ciidamada iyo tababarka millatarigu uu masuuliyiinta iyo wasiirrada ka caawin karo inay noqdaan hoggaamiyeyaal xoogan oo dan u ah horumarka dalkiisa.
Dhammaanba xubnaha Golaha Wasiirrada, madaxda Hay’adaha dawladda iyo saraakiisha sare ee hay’adaha qaranka Itoobiya, ayaa lagu xereeyey xarun tababar oo millatariga Itoobiya leeyahay, waxayna qaadan doonaan tababarka u dhigma ciidamada dagaalka ku jira oo kale.
Tallaabadan ayaa mid ku cusub Itoobiy aiyo guud ahaanba Afrika, waxaannu Abiy Ahmed sheegay in dalka Itoobiya uu horumar gaadhi karo marka la isku daro yoolasha siyaasiyiinta rayidka ah iyo bartilmaameedyada millatariga, waana sababta madaxda dawladda loo geliyey tababar millatari.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xili colaado ka taagan yihiin gudaha Itoobiya, sidoo kale ay jiraan dalal isku xulafaystay Itoobiya oo ay ka mid yihiin Masar, Eratariya iyo Sudaan, iyadoo Itoobiya ay mar walba isku diyaarinayso dagaalo xili kasta qarxi kara, waxayna Itoobiya hore u xoojisay difaaceeda dhinaca cirka, kadib markii ay Ruushka ka heshay diyaaradaha dagaalka casriga ah iyo gantaalaha difaaca cirka ee S-400 oo ka mid ah kuwa ugu casrisan dunida.
