15
Dawladda Uganda ayaa bilowday inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, kadib ku dhowaad 20 sano oo ay dalkaasi ka wadeen hawlgallo milatari oo ka dhan ah AS.
Sida ay BBC-du sheegtay, 109 askari oo Ugandheys ah ayaa noqday kooxdii ugu horreysay ee ka baxda Muqdisho, iyadoo bixitaanka ciidamada loo qorsheeyey inuu si tartiib-tartiib ah u socdo ilaa bisha August ee sannadka 2027.
Uganda oo ciidamadeeda Soomaaliya geysay sannadkii 2007 ayaa sheegtay inay masuuliyadda amniga ku wareejinayso ciidamada Soomaaliya.
