Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Maxkamadda-sare Baashe Yuusuf ayaa ka guurey hoygiisa isaga oo degey aagga mucaaridka ee xidhan, waxaana hadda hadlay mucaaridka oo la safan Maxkamadda-sare.
Maxkamadda-sare ee dalka ayaa qaadacday Dastuurka cusub & Doorashooyinka DFS, ka dib markii xilka laga qaaday Guddoomiye Baashe Yuusuf.
Sidoo kale waxuu gudoomiyuhu amar kubixisay in doorashada dalka looga heshiiyo 30 berri, isla markaasna lugu qabto doorashada 90 maalmood gudahood
Loolanka Mucaaridka & Dowladda ee ku wajahan Maxkamadda-sare ayaana taagnaa muddooyinkii danbe, hadda oo xilka laga qaaday Guddoomiyihii ma hirgeleyaan go’aannadiisu waa su’aal taagan?
Xildhibaannada Mucaaridka ee Federaalka oo la saftay Guddoomiye Baashe ayaa yiri: “Madaxweyne ixtiraam sharciga dalka oo Maxkamadda-sare u hoggaansan.”


