Monday, November 9, 2026

Trump Oo Shaaciyay Arinata Ugu Wayn Ee Guul-darada u Keenay Xisbigiisa

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Trump, ayaa xaqiijiyay arrimaha xisbigiisa looga adkaaday doorashada dhexe inay qayb ka ahayd masaafurinta soogalootiga, wuxuu caddeeyay in gobollo badan ay lumiyeen dad soogalooti ah oo shaqooyin u hayay, sida ; beeraha dadkii ka shaqeynayay, hoteelada , makhaayadaha , waddooyinka iyo shaqooyin kale , taasoo uu ku sheegay inay dhalisay carada inay cododkooda dimuqraadiga u leexiyaan.

Wuxuu yiri;“ Waxaa laga yaabaa inaan ku fogaanay masaafurinta soogalootiga, haweenay muddo shaqooyin kala duwan ka qabanaysay hoteel, ayaa hal maalin lagu yiri ; dib baa lagu celin, qof beer ka shaqeeynayay ayaa sidoo kale halmar la qabtay… waxaa jiray dad wanaagsan oo qayb ka ahaa dadka soogalootiga, balse darajada A+ ayaan ka haysta joojinta soogalootiga iyo celintooda, sababtoo ah kuwa badan oo dilal gaystay ayaan celinay.”