Isku-daygii Lagu Xaddidayay Awoodaha Trump Uu Mar kale ku Weerari karo Iran Oo Fashilmay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Xisbiga Dimuqraadiga ayaa ku Fashilmay isku daygii ay xildhibaanada Dimuqraadiyiinta ku doonayeen in ay ku xaddidaan awoodaha uu Trump mar kale ku weerari karo Iran.

Tiro yar oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ayaa isku dayay inay ansixiyaan tallaabooyiinka awoodaha dagaalka iyagoo adeegsanaya oggolaansho wadajir ah, balse way ku guuldareysteen.

Haddii hindisahan la ansixin lahaa, waxay joojin lahayd hawlgallada militari ee ka dhanka ah Iran ilaa maamulka Trump uu ka helo oggolaansho Kongareeska ka yimaadda.

Marka laga soo tago fashilka Hindisahan, waxa aan aragnay sida ay siyaasadda Washington u noqotay mid aad u muran badan.

Markii uu Dimuqraadiga Glenn Ivey isku dayay inuu ka hadlo gudaha Golaha, waa la aamusiyay iyadoo la garaacay miiska taasi oo uu sameynayay xildhibaanka Jamhuuriga ah ee Chris Smith oo laga soo doorto New Jersey.

Lix ama toddobo Dimuqraadi ah oo halkaas joogay ayaa qayliyay iyagoo ka cabanaya fecilada Jamhuuriyiinta, ugu dambeyntiina way ka baxeen goobta.

Isla markiiba, bannaanka dhismaha aqalka Capitol-ka, wax ka yar toban xubnood oo Dimuqraadi ah ayaa warbaahinta u sheegay inay doonayaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mike Johnson, inuu dib u furo kulanka Golaha.

“Waxaan ku jirnay dagaal 40 maalmood, balse kaliya 33 maalmood ayaan fadhinay,” ayuu yiri Ivey, iyadoo Dimuqraadiyiintu ay sheegeen inay hindisahan mar kale keeni doonaan toddobaadka soo socda.