Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa wajahaysa fadeexad culus kaddib markii la xaqiijiyay in laba nin oo ajaanib ah—mid caddaan ah midna madow ah— loo sameeyay baasaboorka Soomaaliya, iyadoo labadaasi nin lagu tuhunsan yahay ku lug lahaanshaha ka ganacsiga daroogada.
Arrintan ayaa dhalisay hadal-hayn iyo walaac ballaaran oo ku saabsan hufnaanta iyo kalsoonida hay’adaha dowladda, gaar ahaan xilli ay ku jireen marxalad dib-u-soo-kabasho iyo dadaallo lagu dhisayo sumcad wanaagsan.
Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa si rasmi ah u gashay baaritaanka kiiskan, iyadoo bilaabtay dabagal ballaaran oo lagu sameynayo habraacyadii lagu bixiyay baasaboorradaas iyo shaqada waaxyaha kala duwan ee Hay’adda Socdaalka muddadii u dambeysay. Baaritaankan ayaa diiradda saaraya sidii loo ogaan lahaa cid kasta oo ku lug yeelatay falkaas, si sharciga loo horkeeno looguna qaado tallaabooyin adag.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali doonin in dukumiintiyada qaranka si sharci-darro ah loo adeegsado, iyagoo ballan qaaday in lala xisaabtami doono cid kasta oo ku xadgudubta sharciga iyo ammaanka dalka.
Fadeexaddan ayaa imaneysa xilli dowladda Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jirto xoojinta hay’adaha amniga, la dagaallanka dambiyada caalamiga ah, iyo soo celinta kalsoonida beesha caalamka.

