Ciidamada Turkiga Oo Markii Ugu Horreysay Ka Qayb-qaatay Hawlgal Milatari oo ka dhacay Somaliya,

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidamada Turkiga ayaa markii ugu horreysay si toos ah uga qayb qaatay hawlgal milatari oo ka dhacay Soomaaliya, iyagoo ka garab dagaallamay Ciidanka Xoogga Dalka si ay u iska caabiyaan weerar ay AS ka fulisay gobolka Shabeellaha dhexe.

Dagaalka oo socday ku dhowaad saddex saacadood ayaa ka dhacay deegaanka Jabad Godane ee degmada Warsheekh, halkaas oo Turkigu qorsheynayo inuu ka dhiso xarun dayax-gacmeed (satellite launch center).

Qiyaastii 10 askari oo Turki ah, kuwaas oo watay gaadiid gaashaaman iyo hub casri ah, ayaa si toos ah uga qayb qaatay dagaalka, iyagoo taageero muhiim ah siiyay ciidamada Soomaaliyeed ee la dagaalamayay AS.

Dad deegaanka ah iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xaqiijiyay in maleeshiyaadkii AS ee weerarka soo qaaday ay dib ugu gurteen aagga Hawadley ee ku dhow goobta.

Saraakiisha amniga ayaa sidoo kale xaqiijiyay in aan dagaalka laga samayn hormar muuqda isla markaana uu ka dhashay qasaare gaaray Milatariga Soomaaliya gaar ahaan guutooyinka Gorgor iyo Danab.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.