Israa’iil ayaa ka digtay in kumannaan rayid Lubnaaniyiin ah oo barakacayaal ahaa, kuwaas oo dib ugu laabanaya guryahooda koonfurta Lubnaan, laga yaabo in mar kale la daadgureeyo haddii dagaalku dib u qarxo, sida ay sheegtay AFP.
Wasiirka difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa bayaan uu baahiyay ku sheegay in weerarrada ka socda Lubnaan “ay gaareen guulo badan”, balse howlgalka ka dhanka ah Xisbullah uu “wali dhammaystirneyn”.
Wuxuu yiri:“Haddii dagaalku dib u bilaabmo, dadkaas dib ugu soo laabanaya aagga amniga waa in mar kale la daadgureeyo si loo dhammeystiro howlgalka.”
Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada Israa’iil ay sii hayn doonaan dhammaan goobihii ay “nadiifiyeen oo ay qabsadeen”, sida ay werisay Reuters.
Dhanka kale, iyadoo laga falcelinayo xabbad-joojinta lagu dhawaaqay Khamiistii, Hezbollah ayaa sheegtay: “Xabbad-joojin kasta waa inay noqotaa mid dhammaystiran oo ka dhaqan gasha dhammaan dhulka Lubnaan, isla markaana aysan siin cadawga Israa’iil wax xorriyad dhaqdhaqaaq ah.”
Hogaamiyaha Hezbollah oo sheegay in aysan waligeed hubka dhigi doonin
Sarkaal sare oo ka tirsan Hezbollah, Wafiq Safa, ayaa u sheegay BBC in kooxdu “waligeed, waligeed” hubka dhigayn, saacado ka hor inta aysan bilaaban xabbad-joojin 10 maalmood ah oo u dhaxaysa Lubnaan iyo Israa’iil.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in hub-ka-dhigista Hezbollah ay tahay shuruud aasaasi ah oo ku jirta wada-hadallada mustaqbalka ee lala yeelanayo dowladda Lubnaan.
Markii wax laga weydiiyay hub-ka-dhigista, Safa wuxuu yiri: “Ma aha ilaa xabbad-joojin dhab ah la gaaro. Ma aha ilaa ay Israa’iil ka baxdo. Ka hor inta aan maxaabiista la sii deyn, dadka barakacayaasha ahna la soo celin, iyo dib-u-dhiska la sameyn. Ilaa markaas, suurtagal ma aha in laga hadlo hubka Hezbollah.”
Wareysigan oo lagu qabtay dhisme ku yaalla Beirut ayaa bixiyay aragti naadir ah oo ku saabsan xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Hezbollah iyo taageeraha ugu weyn ee gobolka, Iran.
“Hezbollah iyo Iran waa laba naf oo hal jirku jirta” ayuu yiri Safa. “Ma jiri karto Hezbollah la’aanteed Iran, mana jiri karto Iran la’aanteed Hezbollah,” isagoo ku tilmaamay xiriirkaas mid “diimeed, sharci iyo fikradeed.”
Hezbollah, oo ah urur Shiico ah oo siyaasad iyo milatari iskugu jira, ayaa diidan jiritaanka Israa’iil, waxaana loo aqoonsan yahay urur argagixiso dalal badan sida Maraykanka, Boqortooyada Midowday iyo Israa’iil.
Markii la weydiiyay haddii Hezbollah ay mudnaanta siinayso danaha Lubnaan ama Iran, Safa wuxuu yiri:“Dabcan, Hezbollah waxay eegaysaa danaha Lubnaan.”
Wuxuu ku dooday in taageerada Iran, oo ay ku jirto cadaadiska lagu doonayo xabbad-joojin, ay caawisay Lubnaan inta uu socdo dagaalka. Si kastaba ha ahaatee, dad badan oo Lubnaaniyiin ah—oo ay la hadashay BBC—ayaa doonaya in kooxda hubka laga dhigo, waxayna ku eedeeyaan inay dalka gelisay dagaal.
Iyadoo Hezbollah ay diidan tahay hub-ka-dhigista isla markaana ay ku adkeysanayso shuruudo ballaaran, halka Israa’iil ay weli ku adkeysanayso dalabaadkeeda amni, xabbad-joojin kasta waxay u badan tahay inay noqoto hakad kumeelgaar ah oo aysan xaaladda soo afjarin

