Saan-saan Dagaal Oo Caawa Laga Dareemayo Bariga Dhexe, Iyo Xaalada Oo Meel adag Maraysa.

by Heemaaln
2 minutes read

Xaalada gobolka ayaa markale maraysa meel adag, diyaaradaha milatariga Mareykanka ayaa si aan kala joogsi lahayn ugu sii qulqulaya gobolka, xili uu Trump qabanayo kulan ammni oo albaabadu u xidhan yihiin.

Dhanka kale Iiraan, waxay Dunida xasuusisey iney diyaar u tahay hadii laga fursan waayo in dagaalku uu sii socdo, xili la sheegay in Shiinuhu uu Iiraan ku daabulayo hub iyo saad.

Xiisada milatari ee u dhaxaysa Iiraan iyo Mareykanka ayaa si wayn cirka iskugu shareertay, xili rajadii laga qabay diblomaasiyada iyo waan-waanta Pakistan ay u muuqata mid gabaabsi ah, waxayna hada xiisadu u muuqataa mid ay si toosa ugu lug yeelanayaan dalal kale sida Shiinaha oo kale.

Ciidamada Iiraan oo War Hor leh kasoo Saaray Hormuz

Faahfaahino dheeraada ayaa ka soo baxaya ciidamada badda ee Iiraa, waxayna sheegayaan in laga bilaabo fiidnimada caawa uu xiran yahay Marinka Hormuz, ilaa inta laga qaadayo go’doominta uu Mareykanku ku hayo dekedaha Iiraan.

Bayaan ka soo baxay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ayaa looga digay in “aysan jirin wax markab ah oo ka dhaqaaqi kara halka uu ku xiran yahay ee Gacanka Faarisi ama Badda Cumaan.”

Waxay sidoo kale sheegeen in dhowr markab ay mareen marinka tan iyo xalay iyagoo hoos imanaya maamulkooda, balse marin-biyoodka dib loo xiri doono ilaa Mareykanku joojiyo go’doominta dekedaha Iiraan.

Bayaanka ayaa lagu soo gabagabeeyay: “U dhawaanshaha Marinka Hormuz waxaa loo tixgelin doonaa iskaashi lala leeyahay cadowga, markabka ku xadgudba amarkaasna waa la beegsan doonaa.”

Dhanka kale Wargeyska Wall Street Journal ayaa ka soo xigtay saraakiil Mareykan ah in ciidanka Mareykanka uu isku diyaarinayo maalmaha soo socda inuu weeraro maraakiib shidaal oo lala xiriirinayo Iiraan isla markaana uu la wareego maraakiib ganacsi oo ku sugan biyaha caalamiga ah.

Warbixintan, oo ay sidoo kale baahisay Aljazeera ayaa muujinaysa kororka xiisadda ka dhex aloosan Mareykanka iyo Iiraan.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.