Trump Oo ku Hanjabay inuu Baabi’in doono Iran Ergadii Wadahadalka-na Berri u Diraya Pakistan..

by Heemaaln
1 minutes read

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa ku hanjabay in Maraykanku baabi’in doono dhammaan xarumaha korontada iyo buundooyinka Iran, isagoo ka carooday weeraradii Iran ay ku qaaday Maraakiib mareysay Marinka Hormuz

“Maalinimadii shalay Iran waxay go’aansatay inay weerarto Maraakiib mareysay Marinka Hormuz , taas oo si buuxda u jebinaysa heshiiskii xabbad-joojinta ee naga dhexeeyay!” ayuu madaxweynaha Maraykanku ku qoray bartiisa Truth Social.

Wuxuu sheegay in Iran ay rasaas ku furtay markab Faransiis ah iyo doon xamuul oo laga leeyahay UK.

“Waxaan soo bandhignay HESHIIS aad u caddaalad ah oo macquul ah, waxaana rajeynayaa inay qaataan, sababtoo ah haddii aysan qaadan, Maraykanku wuxuu baabi’in doonaa xarun kasta oo koronto iyo buundo kasta oo Iran ku taal,” ayuu sheegay.

Dhinaca kalena, Trump wuxuu sheegay in ergada Maraykanka ku meteleysag wada-hadalada ay la galayaan Iran ay berri tegi doonaan Pakistan si ay ula kulmaan ergada Iran

Trump wuxuu sheegay in wakiillo ka socda Maraykanka ay Isniinta tegi doonaan Pakistan si ay u uga qeyb galaan wareeg labaad oo wada-hadallo ah oo ay la yeeshaan Iran.

Ma uusan ku caddeyn qoraalkiisa baraha bulshada cidda ay Maraykanku u diri doonaan ka qaybgalka wada-hadallada ka dhacaya Islamabad, walow wareegii hore uu metelayay madaxweyne ku xigeenka Maraykanka JD Vance.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.