Ra’iisal Wasaaraha Pakistan Oo Madaxweynaha Iiraan kala Hadlay ka Qayb-galka Wada-hadalada

by Heemaaln
0 minutes read

Ra’iisal Wasaaraha Pakistan ayaa telefoon kala hadlay Madaxweynaha Iiraan sidii ay uga soo qayb-gali lahaayeen wada-hadalada Islamabad ka furmaya Isniinta, kaasoo ay Iiraan iska diiday inay ka qayb-gasho wareega labaad ee Wadahadalada.

Iiraan ayaa shuruud ku xidhay Wadahadalada, waxayna sheegtay iney ka qaybgalayn wax wada xaajooda ilaa inta Mareykanku ka qaadayo go’doominta baddeed ee uu saaray dekadaheeda.

Pakistan ayaa isku dayaysa iney sii wado dadaaladda diblomaasiyadeed ee ay ku dhexdhexaadineyso Washington iyo Tehraan, xili uu dhammaad ku dhow yahay heshiiskii xabad joojinta labada todobaad ahaa ee u dhexeeyay Iiraan iyo Mareykanka..

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.