Hay’adda Ammaanka ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa xidhey 27 qof oo ay sheegeen iney qorshaynayeen weerarro lagu beegsanayay dalkaasi, kuwaasi oo lala xidhiidhinayo dowlada Iiraan.
Dadka la qabtay ayaa lagu eedeeyay inay qorshaynayeen falal argagixiso iyo burbur dalkaasi ka dhaca, Mas’uuliyiinta Imaaraadka ayaana sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada joogtada ah ee lagu ilaalinayo xasilloonida iyo amniga dalkaasi
Imaaraadka Carabta Oo ku War galiyay Maraykanka Inuu Lacagta Shiinaha U Wareegi Doonaan Hadii..
Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa ku war galiyay dhigiisa Maraykanka in haddii uu adkaado helitaanka doolarku ay suurtagal tahay inay u wareegaan in badeecadda saliidda ku iibiyaan lacagta Shiinaha ee yuan-ta.
Arrintan ayaa muujinaysaa in nidaamka loo yaqaan “petrodollar” oo ah nidaam saliidda adduunka badankeed lagu kala iibsado lacagta doolarka Maraykanka, uu wajihi karo khatar ama isbeddel weyn oo soo food saara.
“Wakhti xaadirkan xittaa way adkeyd in lagu fikiro in laga guuro nidaamka lacagaha doolarka, balse waxaa suurta-galiyay degaalka iiraan iyo bad-xidhanka Gacan Hormuz oo aad moodo in Mareykanku ku sirmay, taas oo fursad weyn sii doonta Shiinaha kana dhigi karta quwadda koowaad ee adduunka”.
