Imaaraadka Oo Mareykanka ka Codsatay Taageero Dhaqaale oo Deg-dega, Hadii Dagaalku Dib u Bilaabmayo.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Sidu uu ku waramay wargeyska WSJ , Taarikhda dhow, markii ugu horeysay Dowlada Imaaraadka ayaa Mareykanka ka codsatay taageero dhaqaale oo degdega, hadii dagaalku sii socdo.

Dhaqaalihii Imaaraadka waxaa saameyn adag ku yeeshay dagaalka Iiraan, hada Imaaraadku wuxuu wajahayaa lacag yaraan, taasoo ku qaaday Abu Dhabi iney ka codsato Mareykanka caawimaad iyo badbaadin dhaqaale si ay uga soo kabato saameynta ka dhalatey dagaalka.

Saraakiisha Imaaraadku waxay sidoo kale soo jeediyeen in Imaaraadka iyo Mareykanka ay sameeyaan isdhaafi lacageed (Currency swap) oo labada Dal ay isku badashaan lacagtooda si dhaqaalaha loo xasiliyo.

Dhanka kale sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in Mareykanku uu dollar amaah ah siin doono Imaaraadka hadii dhaqaalahoodu uu ku burburo dagaalka, sidoo kale Madaxweyne Trump ayaa balanqaaday inuu caawin doono Imaaraadka hadii dhibaato soo gaadho.

Dhawaan waxaa la arkay Dowlada Imaaraadka oo Pakistan ku qasbaysa iney si degdega dib ugu soo celiso lacag deyn ah oo dhaneyd 3.5 bilyan oo dollar, Pakistan lacagtii waa celisey kadib markii ay caawimaad dhaqaale ka heshay Qatar iyo Boqortooyada Sucuudiga..

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.