Wednesday, April 22, 2026

Paksitan Oo Dalbatay In la Kordhiyo Waqtiga Xabad-joojinta Baaq-na u dirtay Iiraan iyo Mareykanka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan, Maxamed Ishaq Dar, ayaa kulan uu la yeeshay Natalie Baker, oo ah ku-xigeenka safiirka Safaaradda Mareykanka ee Islamabad, ku baaqay in la kordhiyo xabbad-joojinta u dhexeysa Iiraan iyo Mareykanka.

Xabbad-joojintan, oo ay dhexdhexaadisay Pakistan, ayaa la filayaa ku eg tahay berri oo Arbaco ah.

Wasiir Ishaq Dar ayaa ugu baaqay labada dhinac in ay “fursad siiyaan wadahadalka iyo diblomaasiyadda.”

Intii uu kulanku socday, Ms. Baker ayaa ku ammaantay Pakistan “doorkeeda wax-ku-oolka ah ee wanaagsan ee ku aaddan horumarinta nabadda gobolka iyo fududeynta wadahadalka.”

Trump ayaa mar dhawayd warbaahinta u sheegay inuusan kordhin doonin waqtiga xabbad-joojinta wuxuu yiri, “Ma doonayo inaan sidaas sameeyo. Waqti badan ma haysanno.” Wuxuu sheegay in Iran ay “taasi tahay waddada saxda ah” isla markaana ay “qasab ku tahay inay wada-xaajood gasho.”

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.