Madaxweynaha Dawladda Islaamiga ah ee Ira*n ayaa qoraal uu soo saaray goordhaw ku sheegay in afka iyo ficilka aan iska warqabin ee Mareykanku uu caqabad ku yahay in xal laga gaaro dagaalka Bariga Dhexe.
“Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Ira*n waxay soo dhoweysay wada-hadal iyo heshiis, welina way ku taagan tahay go’aankaas. Jabinta ballanqaadyada, xannibaadaha iyo hanjabaadaha ayaa ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan wada-xaajood dhab ah.
Dunidu waxay arkaysaa hadalladaada is-khilaafsan ee aan dhammaadka lahayn iyo farqiga u dhexeeya sheegashada Mareykanka iyo ficilladiisa” Ayuu yiri Madaxweynaha Ira*n Masoud pezeshkian.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddiga Amniga Qaranka ee baarlamaanka Iiraan, Ebrahim Azizi oo la hadlay telefishinka dawladda Iiraan ayaa sheegay inay-san dalbanin xabad-joojinta uu maraykanku ku dhawaaqay taasoo ay ciidankeenu ku qasbeen inuu qaato xabad-joojinta. waxuuna yiri:

Screenshot
“Annagu marnaba ma aanan codsan xabbad-joojin, mana aanan rabin. Xitaa dad badan oo ka mid ah shacabkeenna way ka cawdeen xabbad-joojinta, iyagoo leh maxaad u sii daba geli weydeen cadowga la jabiyay?Laakiin waxaan ku jawaabnay inaan ku dhaqmayno anshaxa dagaalka, isla markaana aysan jirin dal kale oo sidaas sameeya sida Iiraan.”
Wuxuu intaa ku daray;
“Sababta Mareykanka ku qasabtay inuu raadiyo meel uu ka baxo dhibaatada uu galay, waa jawaabta adag ee Iiraan bixisay.”
