Trump ayaa doonaya inuu faragelin ku sameeyo tartanka koobka adduunka ee kubadda cagta, wuxuu ku cadaadinaya xiriirka FIFA inay tartanka ku soo daraan Talyaaniga oo is reebreebkii tartankan loogu soo baxayay ku haray, isagoo ku andacoonaya booska laga saarayo Iiraan in lagu beddelo Talyaaniga
Arintan oo oo ah wax aysan sharciyad u heli karin FIFA, balse Trump ayaa xoog iyo xeelad adeegsnanaya,wuxuuna ergay gaar ah u saaray arrintan inuu ka shaqeeyo,sida uu baahiyay wargeyska Financial Times.
Sababta uu waalidan u sameynayo Trump, waxaa lagu sheegay inuu doonayo si uu ugu adeegsado hab uu ku hagaajin karo xiriirka uu la leeyahay Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni, ka dib markii uu soo kala dhex galay khilaaf uu isaga billaabay oo hadda meel sare gaaray , gaar ahaan hadalladii Trump ee ka dhanka ahaa Pope Leo XIV ee la xiriiray dagaalka Iiraan.
