Saturday, April 25, 2026

Taiwan Oo Dalbatay In Lagu Daro Miiska wada-xaajoodka Ee Maraykanka Iyo Shiinaha

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Taiwan, Francois Wu, ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan mustaqbalka jasiiradda Taiwan, isagoo ka digay suurtagalnimada in arrinteeda lagu daro ajandaha wada-hadallada u dhexeeya Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, iyo Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

Wu oo wareysi siiyay warbaahinta Bloomberg ayaa sheegay in tallaabo kasta oo noocaas ahi ay yeelan karto saameyn siyaasadeed iyo mid amni oo ballaaran, isla markaana si toos ah u taaban karta xasilloonida gobolka Bariga Aasiya. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Taiwan ay si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya quwadaha waaweyn.

Sidoo kale, Wasiir ku-xigeenka ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in danaha Taiwan aan lagu gor-gortamin miisaska wada-xaajoodka caalamiga ah, isagoo ku baaqay in la ixtiraamo madaxbannaanida iyo xaqa ay Taiwan u leedahay go’aan ka gaarista mustaqbalkeeda.

Hadalka Wu ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Shiinaha iyo Taiwan, iyo sidoo kale tartanka istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Beijing, kuwaas oo saameyn ku leh amniga iyo siyaasadda gobolka.