12
Argentine ayaa isku diyaarinaysa howlgal militari oo ay ku doonayso inay dib ugu soo ceshato jasiiradda Falkland oo ku taal badda Atlantic, taasoo keliya xeebaha Argentine u jirta 480 km , waxaana muddo dheer jasiiradan gacanta ku hayay Ingiriiska.
Howlgalkan waxaa la sheegay inuu helay oggolaashaa Mareykanka, ka dib markii Trump uu ka carooday inuusan Ingiriiska taageerin duullaanka ka dhanka Iiraan, taa beddelkeeda maamulka Trump ayaa doonaya inay Argentine gacan ku siiyaan sidii ay jasiiradan uga qabsan lahayd Ingiriiska.
