Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojisay dhaqdhaqaaqyadeeda militari ee gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Luuq, halkaas oo maanta si rasmi ah loo geeyay cutub ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Gorgor, kuwaas oo lagu soo qaaday diyaarad militari.
Saraakiil amni oo dowladda ka tirsan ayaa sheegay in hawlgalkaan uusan ahayn mid hal mar ku eg, balse la filayo in maalmaha soo socda ay sii socdaan duulimaadyo kale oo lagu daabulayo ciidamo dheeraad ah, si loo xoojiyo amniga guud ee gobolka.
Dhowaan ayay sidoo kale dowladda Federaalka ciidamo kale geysay degmada Luuq, taas oo ka mid ah dadaallada lagu adkaynayo joogitaanka dowladda ee gobolka Gedo. Sida ay saraakiishu sheegeen, inta badan gobolka Gedo ayaa haatan si toos ah ugu jira gacanta dowladda Federaalka, marka laga reebo degmooyinka Ceelwaaq iyo Doolow oo weli ay ka jiraan xaalado amni iyo maamul oo kala duwan.
Dowladda Federaalka ayaa qorshahan ku tilmaamtay mid ka mid ah dadaallada lagu diyaarinayo hirgelinta nidaamka doorasho qof iyo cod ah, kaas oo laga doonayo in laga qabto guud ahaan dalka, oo ay gobolka Gedo ka mid yahay meelaha muhiimka ah ee lagu bilaabayo ama lagu xoojinayo hannaan doorasho toos ah oo shacabka ay si buuxda uga qayb qaataan.
