Mucaaradka Israa’iil Oo Maanta U Midoobay Inay Xukunka ka Tuuraan Netanyahu.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Mucaaradka Israa’iil ayaa billaabay inay midoobaan si ay xukunka uga tuuraan Netanyahu, iyadoo maanta ay isku biireen xisbiga uu hoggaamiyo ra’iisul wasaarihii hore ee Israa’iil, Naftali Bennett iyo xisbiga hoggaamiyaha mucaaraadka Israa’iil ee Yair Lapid.

Labadan Xisbi ayaa isku darkooda waxay la wareegayaan aqlabiyada Baarlamaanka Israa’iil oo ay helayaan 60 kursi , halka Netanyahu iyo xisbiyada midigta fog ay heystaan 50 kursi.

Xog aruurintii u dambeysay ayaa lagu sheegay in Naftali Bennett uu ku soo dhawaaday Netanyahu, inuu hadda helayo xisbiga Yair Lapid ayaase siinaysa awood dheeraad ah oo uu ku guuleysan karo doorashada guud ee la filayo inay Israa’iil ka dhacdo bisha October ee sannadkan 2026.

Screenshot