Dawlada Somaliya Oo Muddo kooban Xirtay Madaxda Maamula Shirkadda Favori Ee Turkiga

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xarigga goordhow ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Aden Adde International Airport, halkaas oo lagu xiray Maamulaha shirkadda Favori LLC iyo ku xigeenkiisa.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in mas’uuliyiintan sare lagu eedeeyay inay muddooyinkii dambe faragelin ku hayeen habsami u socodka maamulka garoonka, gaar ahaan shaqada hay’adaha dowladda ee ka hawlgala gudaha garoonka sida laamaha amniga, socdaalka iyo hay’adaha kale ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wararka la helayo ayaa tilmaamaya in madaxda la xiray ay cabashooyin badan ka jireen oo la xiriiray sida ay ula dhaqmayeen shaqaalaha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya shirkadda, iyadoo la sheegayo in ay jireen eedeymo ku saabsan cadaadis, shaqo ka joojin iyo tacadiyo loo geystay qaar kamid ah shaqaalaha maxalliga ah.

Xogaha hordhaca ah waxay sidoo kale sheegayaan in khilaaf xooggan uu muddo u dhexeeyay Favori LLC iyo heyadda Duulista rayidka “Somali Civil Aviation Authority” (SCAA), kaas oo la xiriiray maamulka garoonka, sharciyada duulista iyo awoodaha hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya garoonka.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho waxaa xalay fiidkii ka soo degtay diyaarad siday xamuul, iyadoo u baahnyed in loo adeego si ay safarkeeda u sii wadato.

Shirkadda maamusha ee Favori, ayaa sheegtay in aysan shaqo rakaab ah qaban doonin xilliga habeenkii, iyagoo ku sababeeyay arrimo amni oo ay sheegeen in garoonku shaqayn xilli habeen. Shaqaalahana ay kala fasaxayaan.

Taas ayaa keentay in saraakiisha amniga garoonka ay si adag uga falceliyaan, iyadoo amray in ay sii waddo adeegyada duulimaadyada, maadaama amniga garoonka uu yahay mid ay masuuliyadiisa hay’adda amaanka.

Inkastoo shirkadda Favori u adeegtay diyaaradii hadana waxa ay sii waday buuq iyo in ay ka hadasho amniga garoonka. Tan ayaa keentay in laamaha amniga ay xabsiga dhigaan maamulaha shirkada.

Hay’adda Somali Civil Aviation Authority ayaa la sheegay inay door weyn ku lahayd tallaabada lagu xiray mas’uuliyiintan, kadib muran iyo isku dhac maamulka ah oo soo jiitamayay muddo.

Si kastaba, waxaa la sheegay in xaaladda ay degdeg u soo farageliyeen masuuliyiin sare, sida Wasiir Jaamac taas oo keentay in la sii daayo mas’uulkaas. Dowladda Turkiga ayaa dowlada ku dhex beeratay shaqsiyaad u adeega.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo hore loo dhaliili jiray adeegyada shirkadda ka shaqeysa garoonka, gaar ahaan habsami u socodka duulimaadyada iyo waqtiga shaqada. Dowladda iyo hay’adaha amniga ayaan weli si rasmi ah uga hadlin faahfaahinta dhacdadan.

Dowladda Turkey ayaa muddo dheer taageero dhinacyo badan leh siineysay Soomaaliya, gaar ahaan dib u dhiska ciidamada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo tababarrada hay’adaha dowladda. Si kastaba, dhacdadan ayaa muujineysa in dowladda Soomaaliya ay doonayso in shirkadaha shisheeye ee dalka ka howlgala ay si buuxda ugu hoggaansamaan shuruucda iyo nidaamyada dalka.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ama maamulka Favori LLC oo si faahfaahsan uga hadlay xarigga, balse dhacdadan ayaa si weyn hadal heyn uga abuurtay gudaha magaalada Mogadishu.