adaxweyne Kuxigeenka Iiraan Oo si Adag uga Jawaabay Hanjabaadii Trump

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweyne Kuxigeenka Iiraan ayaa si adag uga jawaabay hanjabaadii Trump uu ku sheegay in sedex maalin kadib ay qarxin doonaan kaabayaasha shidaalka Iiraan.

Madaxweyne Kuxigeenka Iiraan ayaa sheegay hadii waxyeelo soo gaadho ceelasha shidaalka Iiraan sababo la xidhiidha xanibaada uu Mareykanku saaray, in Iiraan ay si daran oo waligeed horey loo arag uga aargoosan doonto dalalka taageera gardarada Mareykanka.

Wuxuu sheegay in Iiraan ay si buuxda u damaanad qaadayso in ceel kasta oo kamid ah ceelashooda shidaalka oo la waxyeeleeyo ay ugu aargudi doonaan afar ceel oo shidaala oo ku yaala dalalka gardarada ku taageeraya Mareykanka.

Dabcan waa dalalka Khaliijka cida ay ku socoto hanjabaada Iiraan, wuxuuna si cad ugu sheegaysaa in ceel kasta oo shidaala oo laga waxyeeleeyo ay u qarxin doonto afar ceel oo shidaala oo ku yaala Khaliijka.