Soomaaliya ayaa mar kale noqotay dalka ugu musuqmaasuqa badan caalamka sida lagu sheegay warbixinta sanadlaha ah ee Corruption Perceptions Index 2025 ee ay soo saartay hay’adda Transparency International.
Warbixinta ayaa muujisay in Soomaaliya ay heshay dhibcaha ugu hooseeya qiimeynta caalamiga ah iyadoo kaalinta koowaad ee liiska musuqmaasuqa badan ay la wadaagto dalka Koonfurta Suudaan.
Tani waxay ka dhigan tahay in sumcadda dowladnimada iyo hufnaanta maamul ee Somalia ay weli ku sugan tahay heer aad u hooseeya taasi uu musuqu hadheeyay.