Guddiga caalamiga ah ee Venice Biennale oo isku casilay Putin daraadii

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

HNN: Guddiga caalamiga ah ee Venice Biennale ayaa is casilay, kadib markii qabanqaabiyeyaashu oggolaadeen in Ruushka uu ka qayb galo bandhigga farshaxanka ee sannadkan.

Guddiga ayaa toddobaad ka hor sheegay inaysan abaalmarin siin doonin fannaaniinta ka socda dalalka ay hoggaamiyayaashoodu ay raadineyso International Criminal Court (ICC) sababo la xiriira dambiyo dagaal.

ICC ayaa soo saartay amar qabasho oo ka dhan ah madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

Si kastaba ha ahaatee, qabanqaabiyeyaashu waxay ku adkeysanayaan in Ruushka loo oggolaado ka qaybgalka sanadkan.

Bandhigga ayaa furmaya 9-ka May, laakiin maadaama guddigii is casilay, xafladda abaalmarinta ayaa la qaban doonaa 22-ka Noofambar, sida ay sheegeen qabanqaabiyeyaashu.

“Biennale-ga wuxuu doonayaa inuu noqdo, waana inuu sii ahaadaa, meel xabbad-joojin ah oo lagu ilaaliyo magaca farshaxanka, dhaqanka, iyo xorriyadda hal-abuurka,” ayaa lagu yiri bayaan.

Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa sheegtay in oggolaanshaha Ruushka uu ka qayb galo “uusan ahayn go’aan ay dowladda la wadaagto.”

Si kastaba ha ahaatee, waxay intaa ku dartay in Biennale-ku yahay hay’ad madax-bannaan, ayna hoggaamiso qof “aad u karti badan.”

Bandhiggii ugu horreeyay ee Venezia Biennale waxaa la qabtay 1895, waxaana loo arkaa midka ugu qiimaha iyo sharafta badan bandhigyada farshaxanka adduunka.

Heemaal News Network.