Turkiga Oo Soomaaliya U Ansixiyay $30 Milyan Iyo Dhul Safaaradeed.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Turkiga ayaa ansixisay $30 milyan oo lagu taageeraayo hay’adaha amniga Soomaaliya sida lagu daabacay wargeyska rasmiga ah ee dowladda, kuna saxiixan yahay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.

Heshiis kale oo la filayo in baarlamaanka la horgeeyo asbuuca soo socda ayaa dhigaya in Soomaaliya la siiyo dhul cabbirkiisu yahay 5,000 mitir oo laba jibbaaran oo ku yaalla Ankara, iyadoo sidoo kale loo dhisayo dhisme safaaradeed oo ku fadhisa dhul dhan 3,000 mitir oo laba jibbaaran.

Tallaabadan ayaa sii xoojinaysa xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Mucaaradka Turkiga ayaa ku eedeeyay madaxweyne Erdogan in uu canshuurta Turkiga iyo dhulka Shacabka Turkiga uu hadiyad ahaan u siiyay Soomaaliya.