Maxkamadda Sare Uk Oo ka Hortimid Go’aankii dowladda Britain ku Mamnuucday kooxda u Dooda Falastiin

by Heemaal
1 minutes read

Maxkamadda Sare ee England iyo Wales ayaa go’aamisay in go’aankii dowladda Britain ay ku mamnuucday kooxda u dhaqdhaqaaqda Falastiin ee Palestine Action laguna sifeeyay koox argagixiso uu ahaa mid sharci darro ah.

Aasaasaha kooxda, Huda Ammori, ayaa xukunka ku tilmaantay guul taariikhi ah oo difaac u ah xorriyadda hadalka iyo xuquuqda muwaadiniinta Britain, isla markaana taageero u ah halganka shacabka Falastiin.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda UK ayaa sheegtay inay racfaan ka qaadan doonto go’aanka. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Shabana Mahmood, ayaa muujisay inay ka niyad jabsan tahay xukunka, iyadoo caddeysay in kiiska loo gudbin doono Maxkamadda Racfaanka.

Maxkamaddu waxay amartay in mamnuuciddu si ku meel gaar ah u sii jirto inta racfaanka la diyaarinayo, taasoo ka dhigan in weli ay dembi tahay xubinimada ama taageerada kooxda.

Warbaahinta Al Jazeera oo ka soo warbixisay bannaanka Royal Courts of Justice ee London ayaa sheegtay in dhageysi la qorsheeyay 20-ka Febraayo si loo go’aamiyo in racfaanka la qaadi karo, hase yeeshee dacwaddu waxay qaadan kartaa bilo ama sannado.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.