Boqorka dalka Baxrayn,Hamad bin Isa Al Khalifa ayaa jinsiyada Baxrayn siiyay, isla markaana la taliye sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Baxrayn u magacaabay diblomaasiga Badr Mohammed Al-Awadi oo isagoo ah safiirkii Kuwait u fadhiyay Ingiriiska, kaasoo Kuwait kala laabatay jinsiyada
Dhawaan ayay Kuwait kala laabatay jinsiyadiisa , taasoo ka dhigtay safiirkii u horreeyay oo isagoo shaqada ku jira dalkiisa uu jinsiyada kala laabtay, muddo ku dhow afar biloodna dal la’aan ahaa, sida uu maanta baahiyay wargeyska Al-Araby al-Jadeed.
Bishii Jannaayo ee sannadkan 2026, ayaa go’aan ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Kuwait , waxaa lagu sheegay Badr Mohammed Al-Awadi , in jinsiyadii lagala laabtay, ka dib markii la sheegay Aabbihii oo ahaa sarkaal sare oo amni oo geeriyooday , in horey wax is daba marin sharci uu u sameeyay, taana uu ku lumiyay xuquuqdiisa dhalasho.
Balse Baxrayn oo ka faa’iideysanaysa khibrada Al-Awadi, ayaa maanta si rasmi ah jinsiyada u siisay , halka loo magacaabay darajo ka sarreysa xil kasta oo horey uu uga soo qabtay dalkii uu asal ahaan ka soo jeeday ee Kuwait.
