Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa sheegtay in Iiraan ay markii ugu horreysay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku qaadday dalkaas tan iyo markii xabad joojin ay la gashay Mareykanka 8-dii Abriil, taasoo muujinaysa xiisad cusub oo ka taagan gacanka.
Sida laga soo xigtay warbixinnada Imaaraadka Carabta, Iiraan waxay laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn ku weerartay markab marayay marin biyoodka Hormuz, oo ah waddo muhiim u ah maraakiibta shidaalka adduunka.
Dhanka kale, militariga Mareykanka ayaa sheegay inay howlgal weyn ka sameeyeen marin biyoodka Hormuz, halkaas oo ay ku weerareen toddobo doomood oo kuwa xawaaraha sare ku socda.
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in hawlgalku uu qayb ka yahay qorshe loogu magac daray “Mashruuca Xorriyadda” oo loogu talagalay in lagu hubiyo marin ammaan ah oo ay maraakiibta maraan.
Intaa waxaa dheer, Mareykanka ayaa sheegay in laba markab ganacsi ay si guul leh uga gudbeen Marinka Hormuz Isniintii, iyagoo ay ilaalinayaan ciidamada Mareykanka, si loo yareeyo khatarta soo food saarta shaqaalaha badda.
Iiraan, dhankeeda, waxay sii wadday inay ku adkeysato inay maamusho amniga marin biyoodka Hormuz waxayna ku hanjabtay inay xannibi doonto ama weerari doonto ciidamada shisheeye ee isku dayaya inay galaan aagga.
Wasaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa ku warantay in markab shidaal oo xiriir la leh shirkadda shidaalka ee Adnoc, oo ah shirkad shidaal oo ay leedahay dowladda, lagu beegsaday Gacanka Hormuz.
Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale sheegtay in qarax uu ka dhacay mid ka mid ah maraakiibteeda oo ku sugnaa meel u dhow Imaaraadka Carabta.
Mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale sheegay in nidaamyada difaaca cirka ay la tacaaleen 12 gantaal oo ballistic ah, saddex gantaal oo cruise ah iyo afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn.
