Sudaan Iyo Itoobiya Oo Safaaradaha Kala Qaatay, ka dib khilaaf ka Dhashay Duqayntii Garoonka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Sudan ayaa ku eedeysay Ethiopia iyo United Arab Emirates inay door ku lahaayeen weerarradii drone-ka ee dhowaan ka dhacay dalkaasi, iyada oo ka digtay in gardarradaas aan aamusnaan lagu dhaafi doonin.

Maanta oo salaaso ah, dowladda Sudan waxay dib ugu yeedhatay safiirkeedii joogay Itoobiya, iyada oo ku eedeysay Addis Ababa iyo Imaaraadka inay ka dambeeyeen weerar lagu qaaday Khartoum International Airport, kaasoo sababay in la joojiyo shaqadii garoonka muddo saddex maalmood ah.

Ciidamada Sudan ayaa sheegay inay hayaan caddeymo muujinaya in afar weerar oo drone ah laga soo qaaday dhanka Ethiopia tan iyo horraantii bisha March, iyaga oo ku dooday in Imaaraadku bixiyay drones-ka.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa lagu diiday eedeymahaas, iyadoo lagu tilmaamay war aan sal lahayn, isla markaana Sudan lagu eedeeyay inay kicinayso qalalaase iyadoo maal gelinaysa fallaagada gobolka Tigray, gaar ahaan TPLF.

Dhinaca kale Imaaraadka Carabtu weli kama jawaabin arrintan, balse hore ayay u beenisay inay maal geliso Rapid Support Forces, oo ah ciidan maleeshiyo ah oo dagaal kula jira Sudanese Armed Forces muddo ka badan saddex sano.