Ololaha Doorashada 7aad ee Itoobiya oo si Rasmi ah uga Bilaabmay Dawlada Deegaanka Somalida

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa si rasmi ah uga bilaabmay ololaha doorashada 7aad ee heer qaran, iyadoo magaalooyin iyo degmooyin badan lagu qabtay isu soo baxyo waaweyn oo lagu taageerayo musharixiinta Xisbiga Barwaaqo. Kumannaan taageerayaal ah ayaa isugu soo baxay fagaarayaal kala duwan si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan xisbiga talada haya iyo musharixiintiisa.

Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Mustafe Muxumed Cumar, ayaa ka qaybgalay banaanbaxyo waaweyn oo lagu qabtay magaalada Dhagaxbuur iyo deegaanno kale. Madaxweyne Mustafe ayaa shacabka ku dhiirrigeliyey inay codkooda siiyaan Xisbiga Barwaaqo, isaga oo sheegay in xisbigu horey guulo u soo hooyey islamarkaana uu markale guul gaadhi doono doorashada soo socota.

“Shalay waan guulaysanay; Xisbiga Barwaaqo ayaa guulaystay, shacabka ayaana guulaystay. Berina waan guulaysanaynaa ee xisbiga u coddeeya,” ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar mar uu la hadlayey kumannaanka taageerayaal ah oo magaalada Dhagaxbuur isugu soo baxay.

Sidoo kale, degmada Feerfeer ee gobolka Shabeelle ayaa martigelisay isu soo bax ballaadhan oo taageero loogu muujinayey musharixiinta kuraasta baarlamaanka deegaanka iyo heer federaal ee ka sharaxan Xisbiga Barwaaqo. Taageerayaashu ayaa lulayey calamo iyo boodhadh ay ku muujinayaan sida ay ugu heelan yihiin guusha xisbiga.

Gobolka Qorraxay, gaar ahaan degmada Shilaabo, ayaa sidoo kale si rasmi ah looga daahfuray ololaha doorashada 7aad, iyadoo musharixiinta Xisbiga Barwaaqo ay bulshada kala hadleen qorshayaasha horumarineed iyo muhiimadda ay leedahay ka qaybgalka doorashada. Magaalada Godey ee gobolka Shabeelle ayaa iyaduna lagu qabtay isu soo bax kale oo ay taageerayaashu ku muujiyeen taageerada ay u hayaan musharixiinta xisbiga.

Dhanka kale, musharixiinta Xisbiga Barwaaqo ee gobolka Daawa ayaa socdaallo ololaha doorashada ah ku marayey degmooyin kala duwan sida Mooyaale, Ley iyo Qadaadumo, iyagoo ugu dambayn gaadhay degmada Mubaarak. Halkaasi waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey taageerayaasha xisbiga iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.

Masuuliyiin sare oo ka tirsan maamulka DDS, oo uu ku jiray Afhayeen Kuxigeenka Golaha Xildhibaanada DDS iyo wasiirro kala duwan, ayaa ka qaybgalay soo dhaweynta musharixiinta ee degmada Mubaarak. Bulshada degmada ayaa musharixiinta kala hortagtay duleedka magaalada, waxaana si wadajir ah loogu soo galbiyey gudaha degmada.