Heemaal News Network

Xamaas Iyo Islamic Jihad Oo Afar Shardi Ku Xidhay Wadahadala Dadban Ee Yuhuuda

Kooxaha wax iska caabinta Falastiin, Xamaas iyo Islamic Jihad, ayaa sheegay in afar shuruudood oo ay ku jiraan dib u celinta dadka barakacayaasha ah ee ku nool Qaza ay lagama maarmaan u tahay guul laga gaaro wada xaajoodyada dadban ee lala yeesho Israa’iil.

Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniyeh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu ka mid yahay Xoghayaha Guud ee Ururka Jihaadka Islaamiga ah Ziyad al-Nakhalah ayaa ku kulmay caasimadda Iran ee Tehran.

Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in wada xaajoodka tooska ah ee guulaysta ee lala galo Israa’iil ay tahay in gabi ahaanba la joojiyo weerarrada Gaza, ka bixitaanka ciidamada qabsaday, soo celinta barakacayaasha iyo gelitaanka gargaarka aan kala go’a lahayn.

Bayaanka ayaa lagu muujiyay dagaalka tooska ah ee ay Falastiiniyiintu kula jiraan Israa’iil iyadoo ay socdaan duullaanno, weerarro ka dhacay Daanta Galbeed ee la haysto iyo xadgudubyada Qudus iyo Masjidka Al Aqsa.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ciidamada Israel Oo Qirtay iney Weerareen Xarun Q/Midoobay ku Leedahay Gaza

Heemaaln

Wadahadaladii Gaza Oo Bilaabmay Iyadda Oo Israa’iil Gudaheeda Banaanbaxyo Kaga Socdaan Natanyahu

Heemaal

Wasiiradda Arimaha Dibada Yurub Oo La Kulamaya Dhigooda falsdiin Iyo Israiil

Heemaal