Ganacsadaha caanka ah ee Elon Musk ayaa mar kale noqday hadal-heynta warbaahinta caalamka kadib safarkiisii magaalada Beijing, xilli uu halkaasi kaga qayb-galay kulamo la xidhiidha ganacsiga iyo tiknoolajiyadda.
Musk ayaa lagu arkay isaga oo la socda wiilkiisa yar, iyadoo dhinaca kale uu wehlinayey madaxa howlaha Tesla ee Shiinaha, Tom Zhu.
Warbaahinta ayaa tilmaantay in Tom Zhu uu si ku-meel-gaar ah uga caawiyey daryeelka wiilka Elon Musk xilli Musk uu ku jiray kulamo waaweyn oo Culus.
Tom Zhu ayaa lagu tilmaamaa mid kamid ah masuuliyiinta ugu muhiimsan Tesla, isaga oo door weyn ku leh maamulka iyo wax-soo-saarka warshadda Tesla ee Shanghai, oo kamid ah xarumaha ugu waaweyn shirkaddu ku leedahay caalamka
