The New York Times ayaa warbixin cusub oo si weyn loo hadal hayo ku daabacay in qiimeyn sirdoon oo ay sameeyeen hay’adaha amniga ee Mareykanka ay muujinayso in Iran aysan lumin awooddeedii militari sida ay hore u sheegeen siyaasiyiin uu kamid yahay Donald Trump.
Warbixinta ayaa si gaar ah u tilmaamaysa in Tehran ay wali gacanta ku hayso qeyb weyn oo ka mid ah awooddeeda gantaallada, saldhigyadeeda militari iyo nidaamyadeeda difaac ee ku yaalla gacanka Khaliijka iyo marin-biyoodka muhiimka ah ee Hormuz.
Sida lagu sheegay warbixinta, saraakiisha sirdoonka Mareykanka waxay ogaadeen in Iiraan ay dib u hawlgelisay inta badan goobihii militari ee lagu bartilmaameedsaday weerarradii hore. Waxaa si gaar ah loo xusay in 30 kamid ah 33 saldhig oo ku yaalla hareeraha marin-biyoodka Hormuz ay mar kale shaqeynayaan ama dib loo dayactiray.
Marin-biyoodka Hormuz ayaa ah goobta ugu muhiimsan ee tamarta caalamka, maadaama boqolkiiba 20 shidaalka dunida laga dhoofiyo halkaas. Sidaas darteed, awood kasta oo Iiraan ku leedahay gobolkaas waxay si toos ah u taaban kartaa dhaqaalaha caalamka iyo ammaanka maraakiibta caalamiga ah.
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in Iiraan ay wali haysato ku dhowaad 70% kaydkeedii gantaallada riddada dheer iyo kuwa riddada dhexe, iyo sidoo kale gaadiidkii iyo nidaamyadii lagu qaadi jiray gantaalladaas. Tani waxay ka dhigan tahay in inkastoo weerarro culus lagu qaaday, haddana awoodda weerar iyo difaac ee Tehran aysan si buuxda u burburin.
Qiimeyntan cusub ayaa si weyn uga duwan hadalladii hore ee Trump, kaasoo marar badan sheegay in awoodda militari ee Iiraan “si buuxda loo baabi’iyay” kadib weerarro iyo cadaadis ciidan oo la saaray.
Sirdoonka Mareykanka ayaa hadda u muuqda inuu qirayo in Iiraan ay si degdeg ah uga soo kaban karto khasaaraha, taasoo muujineysa awoodda ay u leedahay dib-u-dhis degdeg ah iyo nidaamyo militari oo aad u qarsoon, gaar ahaan xarumaha dhulka hoostiisa laga sameeyay.
Mid kamid ah waxyaabaha ugu walaaca badan ee warbixintu xustay ayaa ah in Iiraan wali awood u leedahay inay halis weyn ku noqoto maraakiibta dagaalka ee Mareykanka iyo maraakiibta shidaalka ee mara Hormuz. Tani waxay sare u qaadaysaa cabsi laga qabo in haddii dagaal cusub qarxo, Tehran ay si dhaqso leh uga jawaabi karto iyadoo adeegsanaysa gantaallo, diyaarado drone ah iyo weerarro badeed.
Falanqeeyayaasha militari waxay aaminsan yihiin in Iiraan ay casharro badan ka baratay dagaalladii iyo cunaqabateyntii lagu hayay sanadihii lasoo dhaafay. Dowladda Tehran waxay muddo dheer xoogga saareysay: dhismaha xarumo militari oo dhulka hoostiisa ah, kaydinta gantaallo badan, adeegsiga diyaaradaha drone-ka iyo samaynta nidaamyo adag oo lagu difaaco xeebaha iyo marin-biyoodka Hormuz.
Sida warbixintu tilmaamayso, haddii weerar cusub lagu qaado Iiraan, jawaabta Tehran waxay noqon kartaa mid ka xoog badan sidii hore, maadaama ay wali haysato awood ay ku carqaladeyn karto isu socodka maraakiibta shidaalka iyo dhaqaalaha caalamka. Tani waxay Mareykanka iyo xulafadiisa gelin kartaa xaalad adag, maadaama xitaa hakad yar oo ku yimaada Hormuz uu sare u qaadi karo qiimaha shidaalka dunida.
