Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuusan “wax ballanqaad ah dhinacna ka samayn” arrinta Taiwan intii lagu jiray wadahadalladii uu la yeeshay Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping.
Isagoo ku jiray duulimaadka uu dib ugu laabanayay Washington kadib shir laba maalmood socday oo ka dhacay Beijing, Trump wuxuu wariyeyaasha u sheegay in isaga iyo Xi ay “si weyn uga wada hadleen” Taiwan oo ah jasiirad iskeed isu maamusha, balse China ay u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda, islamarkaana aysan meesha ka saarin inay xoog ku qabsato.
Trump ayaa sheegay in Xi, uu si toos ah u weydiiyay haddii Mareykanku difaaci doono Taiwan, isaga oo ku jawaabay: “Arrintaas kama hadlo.”
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inuu “go’aan gaari doono muddo aan dheerayn gudahood” oo ku saabsan haddii uu sii wadi doono iibka hubka ee horey Mareykanku ugu dhawaaqay inuu ka iibinayo Taiwan, taas oo Shiinuhu cambaareeyay.
Taiwan waa xulafo muddo dheer la lahayd Mareykanka, waxaana sharcigu ku waajibinayaa Washington inay siiso jasiiradda awood ay isku difaacdo
