Wararka kasoo baxaya dadaallada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ayaa muujinaya in uu fashil ku yimid isku daygii lagu doonayay in labada dal ay gaaraan heshiis rasmi ah oo lagu dejinayo xiisadda sii kordheysa ee gobolka Bariga Dhexe, gaar ahaan arrimaha la xiriira barnaamijka nuclear-ka Iiraan iyo colaadaha gobolka.
Sida ay baahisay Al Arabiya, dadaallo cusub oo dhexdhexaadin ah ayaa hadda waxaa hormuud ka noqotay Pakistan, taasoo isku dayeysa inay labada dhinac ku qanciso heshiis ku meel gaar ah si loo yareeyo xiisadda militari iyo khatarta dagaal toos ah.
Islamabad ayaa la sheegay inay ka walaacsan tahay in xaaladda gobolka ay isu beddesho dagaal ballaaran oo saameeya dalalka Islaamka iyo amniga guud ee gobolka.
Wararka ayaa tilmaamaya in wada-hadalladii ugu dambeeyay ay hakad galeen kadib markii labada dhinac ay diideen tanaasul ku saabsan qodobada ugu muhiimsan ee heshiiska. Dowladda Mareykanka ayaa ku adkeysaneysa in Iiraan ay si weyn u xaddiddo kobcinta uranium-ka iyo howlaha la xiriira nuclear-ka, halka Tehran ay sheegtay inay xaq sharci ah u leedahay inay sii waddo barnaamijkeeda nuclear-ka ee ay ku tilmaamayso mid nabadeed.
Arrinta ugu adag ee wada-hadallada ayaa ah uranium-ka Iiraan, gaar ahaan heerka kobcinta uranium-ka iyo cidda kormeeri doonta. Reer galbeedka ayaa muddo dheer ka cabsi qabay in uranium-ka heerkiisu sareeyo loo adeegsan karo sameynta hub nuclear ah, inkastoo Iiraan ay si joogto ah u beenisay inay doonayso hub nuclear.
Tehran waxay ku doodaysaa in barnaamijkeeda nuclear-ka loogu talagalay koronto dhalin iyo horumar cilmiyeed.
Heyadda Atomiga Adduunka International Atomic Energy Agency IAEA ayaa marar badan sheegtay in Iiraan ay kordhisay heerarka uranium-ka ay kobcineyso, taasoo sare u qaaday walaaca caalamiga ah. Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa arrintaasi u arka khatar amni oo weyn, halka Iiraan ay ku eedeyso reer galbeedka inay cadaadis siyaasadeed iyo cunaqabateyn u adeegsanayaan arrinta nuclear-ka.
Pakistan ayaa hadda la sheegay inay riixeyso fikrad ah “heshiis kumeel-gaar ah” oo aan si buuxda u xallin doonin khilaafka, balse yareyn kara xiisadda degdegga ah. Heshiiska noocaas ah ayaa laga yaabaa inuu ku saleysnaado: In Iiraan si ku meel gaar ah u xaddiddo kobcinta uranium-ka, In Mareykanku yareeyo qaar kamid ah cunaqabateynta dhaqaale, In la joojiyo weerarrada iyo dhaq-dhaqaaqyada militari ee gobolka iyo In dib loo furo wada-hadallada rasmi ah ee mustaqbalka
Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa sheegaya in heshiis ku meel gaar ah uu si weyn u yareyn karo khatarta dagaal cusub oo ka qarxa Bariga Dhexe, gaar ahaan iyadoo gobolka uu horey ugu jiray xiisado culus oo la xiriira Israa’iil, Gaza, Suuriya iyo badda Cas.
Si kastaba, khubaradu waxay aaminsan yihiin in heshiis rasmi ah oo waara uu wali fog yahay, maadaama labada dhinac ay si adag ugu dheggan yihiin mowqifyadooda siyaasadeed iyo kuwa amni.
Dowladda Mareykanka waxay dooneysaa dammaanad adag oo ka hortageysa in Iiraan hesho awood nuclear militari, halka Iiraan ay rabto in gebi ahaanba laga qaado cunaqabateynta dhaqaale ee saameynta weyn ku yeelatay dhaqaalaha dalkaasi.
Diblomaasiyiinta gobolka ayaa ka digaya in haddii wada-hadalladu gebi ahaan fashilmaan, ay suuragal tahay in xiisadda isu beddesho iska horimaad militari oo toos ah ama weerarro sii kordha oo ay ku lug yeeshaan quwadaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
