Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo kala Hadlay dhiggiisa Cumaan Dadaallada lagu soo Afjarayo dagaalka

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi, ayaa khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Cumaan, Badr Albusaidi, iyadoo ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo xooggan oo la xiriira dadaallada lagu gaarayo heshiis nabadeed oo u dhexeeya Tehran iyo Washington.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Tasnim, labada wasiir ayaa ka wada hadlay “horumarradii ugu dambeeyay ee gobolka iyo dadaallada diblomaasiyadeed ee socda si looga hortago sii xumaanshaha xiisadaha loona soo afjaro dagaalka,” iyagoo sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo iyo fikrado la xiriira xaaladda taagan