Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Oo Codsi u Diray Iran

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa Iran ku eedeeyay inay tahay dalka ugu weyn ee maalgelinta argagixisada caalamka, isagoo sheegay in Tehran ay taageerto kooxo hubeysan oo ka hawlgala Bariga Dhexe.

Rubio oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada New Delhi ayaa yiri: “Ma jiro dal dunida ku yaalla oo ka badan Iran taageerada argagixisada.”

Wuxuu sheegay in Iran aysan dhaqaalahooda ku bixin horumarinta shacabka ama dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha, balse ay maalgeliso kooxaha Hezbollah iyo Hamas, kuwaas oo qeyb ka ah waxa loo yaqaan Isbahaysiga Iska-caabinta ee Iran taageerto.

Rubio ayaa sidoo kale ku eedeeyay Iran inay khatar ku hayso maraakiibta caalamiga ah, isagoo sheegay inay afduub ku hayso maraakiib rayid ah isla markaana ay miinooyin ku aastay marin-biyood caalami ah.