Iiraan waxay bilowday dib u dhiska wax soo saarka gantaalaheeda ballistic-ga ah intii lagu guda jirey heshiiska xabad joojinta, tani waxay u dhacday si ka dhakhso badan sidii ay saadaaliyeen Sirdoonka ISRL iyo Mareykanka.
Xili uu Taliyaha taliska dhexe ee Ciidamada Mareykanka u sheegay Congress-ka in 90% la burburiyay saldhigyada warshadaha difaaca ee Iiraan isla markaana dib u dhiskoodu uu qaadan karo sanado ayay xogtan sirdoon ee cusubi ay muujisey sawir ka duwan arrintaa.
Warbixinta sirdoonku waxay sheegtay in qiyaastii marka sedex meelood loo qaybiyo qalabka lagu gano gantaalaha Iiraan labo meelood oo kamid ah ayay ka badbaaadeen duqeynihii Mareykanka iyo ISRL.
Sidoo kale warbixintu waxay muujisey in Iiraan oo kaalmo ka helaysa Ruushka iyo Shiinaha ay hada bilowday soo saarida gantaalo ballistic ah oo cusub, qalabka lagu gano iyo waliba nidaamyo difaaca cirka ah, iyadoo adeegsanaysa xarumo dhulka hoostiisa ah oo si kumeel gaadha loo sameeyay.
ISRL waxay aad uga walwalsan tahay in Iiraan ay mudo gaaban gudaheed dib ugu dhisi karto awoodeeda milatari, waxayna saraakiisha difaaca ee ISRL ay hada qiyaasayaan in Iiraan ay dib u dhisi karto awoodeeda diyaaradaha drone-ka mudo bilo gudahood ah, sidoo kalena ay kordhin karto wax soo saarkeeda gantaalaha mudo ka yar hal sano gudaheed.
