Duqa Magaalada London, Sadiq Khan, oo Sanadkan Gudanaya Waajibaadka Xajka

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Duqa magaalada London, Sadiq Khan, oo sanadkan u safray gudashada waajibaadka Xajka, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay fursadda uu u helay inuu guto waajibaadka Xajka.

Sadiq Khan wuxuu sheegay in Xajku uu xoojinayo iimaanka qofka muslimka ah, isla markaana uu astaan u yahay sinnaanta iyo midnimada Muslimiinta, wuxuuna tilmaamay in malaayiinta Muslimiinta ah ee ka kala yimaada daafaha dunida marka ay isugu yimaadaan goobaha barakeysan ineysan jirin kala sareyn balse ay dhammaantood Ilaahay hortiisa u siman yihiin.

Muslimiintu maanta waxay maamulayaan magaalooyinka reer galbeedka ugu waawayn, uguna saameynta badan sida London iyo New York.