Askar Dhimasho iyo Dhaawac ka Gaaray Qarax ka Dhacay Xuduudka Somaliya iyo Kenya.

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, kaas oo lala beegsaday gaari nooca Kooyal ah oo ay la socdeen askar ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya.

Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah, qaraxa ayaa haleelay gaariga xilli ciidamada ay marayeen waddo ku dhow deegaanka xadka Soomaaliya iyo Kenya, halkaas oo marar badan ay ka dhacaan weerarro amni darro oo lala xiriiriyo kooxda Al-Shabaab.

Goobjoogayaal iyo ilo deegaanka ah ayaa sheegay in qaraxa kadib uu goobta ka dhashay khasaaro culus oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur xooggan oo gaaray gaariga ciidamada.

Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in ugu yaraan afar askari oo Kenyan ah ay ku dhinteen weerarka, kuwaas oo uu ku jiro hal sarkaal, halka 11 askari oo kale ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen qaraxa.

Dhaawacyada ciidamada ayaa loo qaaday xarumo caafimaad oo ku yaalla gobolka si loogu sameeyo gurmad caafimaad iyo daaweyn degdeg ah, sida ay sheegeen ilo amni.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in gaarigii Kooyalka ahaa ee ciidamada saarnaayeen uu gabi ahaanba ku gubtay goobta kadib qaraxa. Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya burbur xooggan iyo haraadiga gaariga oo bas beelay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi, iyadoo kooxda ay sanadihii lasoo dhaafay kordhisay weerarrada ay ka fuliso deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari.

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa gaaray goobta wax yar kadib qaraxa, halkaas oo ay ka bilaabeen howlgallo baaritaan iyo sugidda amniga ah, iyadoo la adkeeyay dhaq-dhaqaaqa ciidamada ee waddooyinka muhiimka ah.

Ilaa iyo hadda dowladda Kenya si rasmi ah ugama aysan soo saarin war-saxaafadeed faahfaahsan oo ku saabsan weerarka, khasaaraha rasmiga ah iyo tallaabooyinka la xiriira baaritaanka socda.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Kenya sii waddo howlgallada amniga ee ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada xuduudda la leh Soomaaliya oo muddo dheer wajahaya weerarro isdaba joog ah.