Ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee IRGC ayaa ku dhawaaqay in 23 markab ay ka gudbeen marinka Hormuz 24-tii saac ee lasoo dhaafay, iyaga oo haysta oggolaanshaha ciidamadooda, sida ay sheegeen.
Ciidamada badda IRGC ayaa sheegay maalin sii horaysay 25 markab inay ka gudbeen marinka Hormuz oo oggolaanshahooda haysta.
Waxaynu goor sii horaysay tabinay in warbaahinta Iiraan ay ku dhawaaqadat in Tehran ‘’ay heshay qabyo qoraal bilow ah oo aan rasmi ahayn oo muujinaya qaabka heshiis is-faham ah oo la qaateen Maraykanka’’.
Sida ku xusan qabyo qoraalka, Iiraan waxaa ay dib u bilaabaysaa in gaadiidka ganacsiga ay marinka maraan, iyada oo taa beddelkeeda Maraykanka ay kala baxayaan milatarigooda inta ku hareeraysan Iiraan ayna qaadayaan xanibadda ciidamada badda Iiraan saaran.
