Ilaalada Kacaanka Iraan ayaa ku dhawaaqay inay beegsadayn saldhig Mareykan ah, taas oo ay ku tilmaameyn aargoosi ka dhan ah weerarro Mareykanku ka fuliyay koonfurta dalka, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iraan ee IRIB.
Bayaan uu baahiyey telefishinka Iran oo laga soo xigtay Ilaalada Kacaanka ayaa lagu yiri: “Kadib gardarradii subaxnimadan ay ciidanka Mareykanka ku qaadayn goob ku dhow garoonka diyaaradaha Bandar Abbas iyagoo adeegsanaya duqeymo cirka ah.
Faahfaahin lagama bixin halka uu ku yaallo saldhiggaas, hase yeeshee Kuwait oo kamid ah xulufada Maraykanka ayaa sheegtay in nidaamkeena difaaca hawada uu ka hortagay gantaallo iyo duqeymo ay fulinayeen diyaarado aan duuliye lahayn.
Milatariga Mareykanka ayaa sheegay inay fuliyeen weerarro cusub oo ka dhan ah Iraan, kuwaas oo lagu beegsaday goob milatari oo ku taal magaalada xeebta istiraatiijiga ah ee Bandar Abbas.
Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in ciidamadooda ay sidoo kale soo rideen afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo Iraan leedahay, kuwaas oo “halis ku ahaa agagaarka marinka Strait of Hormuz.”
CENTCOM ayaa intaa ku dartay in goobta ku taal Bandar Abbas la duqeeyay xilli ay diyaarinaysay in laga duuliyo diyaaraddii shanaad. Warbaahinta Iraan ayaa iyaduna sheegtay in qaraxyo laga maqlay bariga magaalada.
Ilaalada Kacaanka Iraan ayaa sheegay in jawaabtoodu ay ahayd “digniin culus oo cadowga lagu fahamsiinayo in gardarro aan jawaab la’aan lagu dhaafi doonin, haddii ay mar kale dhacdana jawaabtayadu ay noqon doonto mid ka sii go’aan adag.”
Weeraradan ayaa imanaya xilli uu jiro xabbad-joojin jilicsan oo u dhaxaysa Mareykanka iyo Iran, iyo wadahadallo daba dheeraaday oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaal saddex bilood socday oo carqaladeeyay maraakiibta marinka Strait of Hormuz isla markaana kor u qaaday qiimaha tamarta caalamka.
