Maraykanka Oo Baahiyay Sawirada laba Gabdoodh Oo Somai ah oo Lagu Eedayay Musuq-maamuq.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa baahiyay sawirada laba gabdoodh oo Soomaai ah, Shamso Xasan iyo Xanaan Yuusuf oo lagu eedayay inay ku lug leeyihiin wax isdabamarin iyo musuq-maasuq.

Bogga Madaxtooyada ayaa sheegay in labada haween loo xidhay maaliyad dhan 21 Malyuun oo ay musuqeen. Madaxweynaha Maraykanka ayaa weli sii wada beegsiga Soomaalida dalkaas ku nool.

Dhinaca kale Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa diyaarinaysa lacag cusub oo doollarka Mareykanka ah oo ah $250 oo isku dhagan, oo lagu sawiray Trump, sida uu maanta baahiyay wargeyska Washington Post oo sheegay soo saarista lacagtan inuu Trump ku cadaadiyay wasaaradda maaliyadda Mareykanka.

Haddii qorshahan la hirgeliyo, Trump wuxuu noqon doonaa qofkii ugu horreeyay ee nool oo lagu sawiro lacagta Mareykanka tan iyo sanadkii 1866.