Israa’iil ayaa maanta ku dhawaaqday inay xaqiijisay howlgal ay ka fuliyeen waqooyiga marinka Qasa ee dhulka Falastiiniyiinta in lagu dilay taliye ku-xigeenka guutooyinka hubaysan ururka Xamaas ee Qasaam ugu magacownaa magaalada Qasa, Imad Aslim.
Ma jiro dhinaca Xamaas, war ka soo baxay oo looga hadlay sheegashadan, xilli ay Israa’iil dib usoo celisay weerarradii ay ka fulinaysay marinka Qasa.
Taliye ku-xigeenka ay sheegtay Israa’iil inay dishay ma aha taliye ku xigeenkii guud ee Qasaam , ee waa taliye ku xigeenka magaalada Qasa oo ah qayb ka mid ah marinka Qasa, jago la mid ah taliye ku xigeenka koonfurta Qasa.

Screenshot

