“Israa’iil Hadii ay Weerarto Caasimada Lubnaan Waxaanu Weerari-doonaa.”Taliyaha Ciidanka Iran

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Taliyaha guud ee xarunta howlgallada militari ciidanka Iiraan ee Khatam al-Anbiya, Jen. Cali Cabdullaahi Caliabadi ayaa ku hanjabay inay qaadi doonaan weeraro aargoosi hadii Israa’iil ay weerarto koonfurta caasimada Lubnaan.

Taliyaha ayaa wuxuu yiri;“Haddii ay Israa’iil weerar duullaan ah ku qaado xaafadda koonfureed Bayruut ku taal ee Dahiya, waxaan duullaan la mid ah ku qaadaynaa waqooyiga dhulka ay Israa’iil haysato.”Sida ay waxyar ka hor baahisay Al Jazeera,

Telefishinka dawladda Iiraan ayaa dhinaca kale baahiyay inay Iiraan u aragto sii socoshada weerarrada Lubnaan iyo Qasa inay dhammaatay xabbad-joojintii kala dhaxeysay Mareykanka , taasoo ka dhigan inay ciidanka Iiraan qaadi karaan weerarro ka dhan ah Israa’iil.

Iiraan ayaa sidoo kale shuruudaha ay dib ugu billaaban karaan wadahadallada ku soo dartay marinka Qasa, waxaana la gaarsiiyay Mareykanka in looga baahanyahay si wadahadallada dib loogu billaabo inuu Israa’iil ku amro joojinta weerarrada ay ka wado Lubnaan iyo Qasa oo xabbad-joojin rasmi ah laga dhaqangeliyo,sida uu baahiyay wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Yedioth Ahronoth.